Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Soomaalida ku nool gudaha Maraykanka.
Isagoo khudbad ka jeedinaya isu-soo-bax siyaasadeed oo saacadihii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalo ku taal gobolka Ohio, ayuu Donlad Trump Soomaalida ku eedeeyey inay dhibaato ku hayaan dalka Maraykanka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Soomaalidu ay boob, dhac iyo burburin ku hayaan Minnesota, oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool carriga Maraykanka.
Trump oo sidoo kale muujinaya sida uu Soomaalida u liido ayaa fagaarihii uu ka hadlayay ka sheegay in gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota uu ugu yeero Dhulka Soomaaliya.
Erayadan meel-ka-dhaca iyo aflagaadada isugu jira ee ka dhanka ah Soomaalida ayuu Donald Trump si joogta ah u caadaystay tan iyo intii muddo-xileedkan dambe uu la wareegay talada Maraykanka.
